Sign in to follow this  
Deeq A.

Mahdi Guuleed: “Waan qaban karnaa doorasho qof iyo cod haddii hal mid la helo”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa mar kale ku adkeystay in Soomaaliya ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka  oo hadal ka jeedinayey Munaasabad ka dhacday Madaxtooyada ayaa sheegay inay Dowladda Soomaaliya ku dadaaleyso sidii umadda Soomaaliyeed dib loogu soo celin lahaa talada, si ay u doortaan cidda ay rabaan.

Mahdi Guuleed ayaa ku faanay inay dalka ka hirgelin karaan doorasho qof iyo cod ah, haddii ay suurta geliyaan dib u habeynta amniga iyo nidaamka maaliyadda maadaama dhowaan la filayo in deymaha laga cafiyo Soomaaliya.

“Ummadda Soomaaliyeed waxay naga sugeysaa in aanu u hirgelino doorasho qof iyo cod,  oo aan talada dib ugu celino, Waxaan rabnaa Ummadda Soomaaliyeed taladeeda inay qaataan oo ciddii ay rabaan doortaan, haddii aynu tartameyno oo dib ay noo dooranayaan oo shan sanadoodoo dambe oo halkii aan gaarsiinay meel kasii fog aynu gaarsiineyno ummadda Soomaaliyeed bay u taallaa, laaakiin waa muhiim in dalka doorasho qof iyo cod ah ay ka dhacdo oo nidaamka xisbiyadu hirgalo” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Wuxuu intaas kusoo daray in madaxweyne Farmaajo uu dalka dhaxal ahaan uga tagi doono inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, ayna ka qeybgalaan dhammaan xisbiyada dalka ka jiro.

Hadalka kasoo yeeray Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka ayaa kusoo aadayo xilli Baarlamaanka Soomaaliya uusan weli go’aan ka gaarin sharciga doorashooyinka, iyadoo weli ay socoto dood kulul oo u dhaxeyso Xildhibaanada.

Inta badan Xildhibaanadii ka hadlay akhrinta koowaad iyo midda labaad ee sharciga doorashooyinka ee hor yaalo baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dooday inaysan dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah maadaama aan weli la heyn tirkoob saax ah sidoo kalana ay gacanta dowladda ka maqan tahay deegaano badan oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this