Deeq A. Posted December 23, 2019 Cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland ee loo yaqaanno Guuto Bari, ayaa maanta gadood ka sameeyay laamiga u dhexeeya deegaanka Carta iyo degmada Carwo ee gobolka Bari, sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaal. Ciidanka gadoodka sameeyay oo ka cabanayay mushahaar la’aan, ayaa xannibay isu-socodka gaadiidka laamiga dheer ee xiriiriya gobollada Puntland, taasi oo culays badan ku keentay gaadiidka isaga goosha gobollada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya. Saraakiisha hoggaaminaysay ciidankaasi, ayaa ku amray gaadiidleyda in aysan ka gudbi karin isbaaro ay halkaasi dhigteen, tan iyo inta laga siinayo xuquuq iyo mushahaar kaga maqan dowladda Puntland. Xubno ka tirsan Odayaasha dhaqanka oo markii dambe halkaasi gaaray, ayaa saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka ka dalbaday in ay isbaarada ka qaadan laamiga, si wada-hadal loola furo, balse saraakiisha ayaa diiday dalabka Odayaasha. Cutubyada gadoodsan ayaa weli haysta bartamaha laamiga, waxaana kala xiran isu-socodka gaadiidka, iyadoo ay halkaasi gaadiid badan ku xanniban yihiin. Gadoodka ciidanka Daraawiishta ayaa ku soo beegmay, xilli Wasaaradda Maaliyadda Puntland ay sheegtay, in ay bil kasta bixiso mushahaaraadka Ciidamada iyo shaqaalaha dowladda. PUNTLAND POST The post Puntland: Ciidamo ka gadooday mushahaar la’aan appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites