Deeq A. Posted December 23, 2019 Madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa maanta shaaciyey liiska xubnaha Ahlu Sunna ku matalaya baarlamaanka maamulkaasi. Liiska oo ka kooban illaa 20 qof ayaa waxaa sidoo kale lagu shaaciyey beelaha ay ka soo jeedaan xubnahaasi. Warqadaan ayaa la sheegay inay hoggaanka Ahlu Sunna la wadaageen beesha caalamka oo kor kala socotay heshiiskii dhowaan lagu gaaray Dhuusamareeb. Halkan hoose ka aqriso: View the full article Share this post Link to post Share on other sites