Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa K/Galbeed oo isku dhinac ah iyo dagaalyahannada Al-Shabaab, kaas oo maanta ka dhacay deegaanka Goofgaduud Buurey ee gobolka Baay.

Dagaalka ayaa yimid markii ay Al-Shabaab weerar saf ballaaran ah ku qaaday gudaha deegaankaasi oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada Baydhabo.

Labada dhinac ayaa guulo ka sheegtay dagaalkaan oo qaatay saacado badan, la’iskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

War ka soo baxay Al-Shabaab, laguna baahiyey boggagooda Internet-ka ayaa lagu sheegay in weerarkaasi iyo dagaalka xigay ay ku dileen 8 Askari oo ka tirsanaa ciidamada daraawiishta ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Sidoo kale  Al-Shabaab ayaa shaacisay inay muddo kooban la wareegtay gacan ku heynta deegaanka Goofgaduud Buurey oo ka tirsan gobolka Baay.

Dhanka ka kale saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka Koonfur Galbeed oo qalbka warbaahinta ayaa iyana sheegay in dagaal rogaal celis ah ay ku qaadeen xoggagii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday, islamarkaana ay dib uga saareen halkaasi.

Xaaladda ayaa hadda dagan, balse labada dhinac ayaa dhaq dhaqaaqyo milatari ka wada duleedka magaalada Baydhabo ee Caasimadda gobolka Baay.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this