Deeq A. Posted December 23, 2019 Wararka ka imaanaya gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta xiisad xoogan ay ka taagan tahay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Xiisada ayaa timid, kadib markii xalay deegaanka Horufadhi lagu dilay qof ka mid ahaa dadka deegaanka, kaas oo la sheegay in dilkiisa uu salka ku hayey aano Qabiil. Xaaladda ayaa maanta kacsan, iyadoona laga cabsi qabo in dagaal Beeleed hor leh uu ka qarxo halkaasi. Inta badan waxaa deegaanada Sool iyo Sanaag ku soo laa laabta dagaallo u dhexeeyo maleeshiyaad ku sugan gobolladaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites