Deeq A. Posted December 23, 2019 Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo wareysi gaar ah siiyey TV-ga Soomaali Cable ayaa hal sano kadib ka hadlay xarigga, Sheekh Mukhaar Roobow Cali (Abuu Mansuur). Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa wareysigan ku sheegay inuu booqasho ugu tegay Roobow, balse uusan xirneyn ee uu degan yahay guri, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu caafimaad qabo wadaadka, basle kaliya laga xayiray inuu sameeyo dhaq dhaqaaq guud iyo mid siyaasadeed intaba. “Mukhtaar Roobow waa soo salaamay, waa caafimaad qabaa, guri ayuu degan yahay, ma xirno, waxaa u dhiman kaliya xuquuqdiisa kale sida dhaq dhaqaaqiisa iyo dhaqaaqa siyaasaddiisa, taasna waa ka shaqeyneynaa sidii uu u heli lahaa.” ayuu yiri Lafta Gareen. Dhinaca kale wuxuu Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo hadalkiisa sii wata hoosta ka xariiqay inuu dadaal badan ku bixiyey xariga Sheekh Mukhtaar Roobow, welina uu wado. Madaxweyna Lafta Gareen ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay inuu 80% xaliyey rabshadihii ka dhacay Koonfur Galbeed ee ka dhashay xariga Abuu Mansuur, kuwaas oo dhacay ka hor inta aan loo dooran hoggaanka sare ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Ugu dambeyn wuxuu shaaca ka qaaday inay jiraan dad ka soo hor jeedka maamulkiisa, islamarkaana si xun wax uga sheega Koonfur Galbeed, isaga oo u digay dadkaasi. Roobow oo horay u ahaa hogaamiye ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa sanadkii hore 2018-kii dowladda Soomaaliya ka soo xirtay magaalada Baydhabo, isagoo xilligaas ahaa musharrax madaxweyne, waxaana loo soo qaaday magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Share this post Link to post Share on other sites