Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo saaka deegaan muhiim ah “kala wareegtay” maamulka Koonfur Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada maamulka Koonfur Galbeed oo saaka aroortii hore ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahannada dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen fariisimo ciidan oo ku yaalla deegaanka Goofgaduud-Buurey oo ka tirsan gobolkaasi.

Weerarka ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana qaatay saacado badan uu ka dhacay halkaasi.

Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalkaan iyo weerarka ka horreeyey ayaa sheegtay in ay la wareegtay gabi ahaan gacan ku heynta deegaankaasi oo ah mid istaartiiji ah.

Sidoo kale warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalka ay ku dhinteen ugu yaraan 8 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka gobolka Baay oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay.

Xaaladda ayaa hadda aad u kacsan, iyadoona dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ay isku ballaariyeen deegaanka Goofgaduud-Buurey.

Inta badan Al-Shabaab oo weli ku xoogan Koonfur Galbeed ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fulisa gobollada Sh/Hoose, Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this