Sign in to follow this  
Deeq A.

Dabageed oo eedeyn u jeediyey madaxda HirShabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan oo warbaahinta kula hadlay Beledweyne ayaa eedeyn culus u jeediyey HirShabelle.

Guddoomiye hore Dabageed ayaa sheegay in dhibaatooyin is biirsaday ay haatan ka jiraan deegaanada maamulkaasi, islamarkaana laga gaabiyey in wax laga qabto.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in madaxda sare ee maamulka HirShabelle ay ku fashilmeen arrimaha ammaanka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ugu dambeyn Yuusuf Dabageed ayaa hoosta ka xariiqay in Al-Shabaab ay go’doomisay labada magaallo ee Jowhar iyo Beledweyne, sida uu hadalka u dhigay.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Cod-cabdiqani-1.mp3

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this