Deeq A. Posted December 23, 2019 Shirkaan oo galaya wejigiisa labaad ayaa saacadaha soo socda ka furmi doono deegaanka Buq Qalooc oo ka tirsan gobolka Mudug. Inta uu socdo shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa sidii loo xalin lahaa colaada gobolkaasi, gaar ahaan dagaalladii ka dhacay deegaanada Afbarwaaqo iyo Towfiiq. Sidoo kale waxaa shirka ka qeyb galaya saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka, waxgaradka deegaanka iyo odayaasha maleeshiyaadka labada dhinac. Wariyaha Shabelle Cali Xasan Barqadle (Cali Gaab) ayaa ka warramaya wararkii ugu dambeeyey iyo dadaallada nabadeed ee ka socda gobolka Mudug. Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Gaab.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites