Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha guud ee ciidanka Kenya oo safar qarsoodi ah ku yimid Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha guud ee ciidanka difaaca Kenya  Jeneraal Samson Mwathethe ayaa safar qarsoodi ah ku yimid dalka Soomaaliya, oo ay joogaan ciidamo ka tirsan Kenya, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

Taliyaha oo booqday goobaha ay Ciidamada Kenya ka joogaan Soomaaliya ayaa ammaan dusha uga tuuray askarta wadankiisa ee ka tirsan Howlgalka AMISOM ee in ka badan 10 sano ka socdo Soomaaliya.

Jeneraal Samson oo shalay la hadlayey ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ayaa kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalkooda hooyo oo weeraro culus ay ka geystaan Kooxda Al-Shabaab.

“Wallow aad ku sugan tihiin halkaan, waan idinka fekernaa, mana laga yaabo in la idin hilmaamo. Waxaan idin rajeynayaan guul inta aad gudaneysaan waajibaadkiina,” ayuu yiri.

Taliyahaha ayaa Ciidamadiisa u sheegay in Soomaaliya oo nabad noqoto ay ka dhigan tahay Kenya oo nabad heshay sidaas darteed ay lagama maarmaan tahay inay ka shaqeeyaan sidii Soomaaliya looga nadiifin lahaa Kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan u joognaa Soomaaliya, maxaa yeelay waxaan ognahay haddii Soomaaliya ay ka xorowdo Al-Shabaab iyo argagixisadda, in Kenya sidoo kale aan ka xorreyn doono,” ayuu raaciyey.

Taliyaha ayaa ugu dambeyntii ciidamada kula dardaarmay inay xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa horey u sheegay inaysan ciidamadiisa Soomaaliya kasoo bixi doonin illaa Al-Shabaab laga baabi’iyo.

Ciidamada Kenya ee ka tirsan Howlgalka AMISOM ayaa Soomaaliya soo galay sanadkii 2011, waxayna saldhigyo ku leeyihiin deegaanada Maamulka Jubbaland ee uu madaxweynaha ka yahay Axmed Madoobe oo xiriir dhow la leh Kenya.

unnamed-1.jpg unnamed.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this