Sign in to follow this  
Deeq A.

Kheyre oo qaabilay wafdigii ka socday Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa  qaabilay wafdigii ka yimid Somaliland ee u yimid taakuleynta walaalahooda ay saameeyeen fatahaadaha Wabiyada.

Wafdiga oo shalay Muqdisho soo gaarey ayaa keeney lacag dhan $600,000 oo lagu gargaarayo dadka fatahaaduhu saameeyeen, taas oo laga soo aruuriyay qaar ka mid ah Shacabka iyo Culimadda.

Guddiga ayaa ka mahad celiyey sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey Muqdisho, iyagoo carabka ku adkeeyay in ay mar waba diyaar u yihiin garab istaaga dadka ay saameeyeen fatahadaha Wabiya.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa uga mahad celiyey gurmadka ay soo gaarsiiyeen Walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaatada kasoo gaartay fatahadaha kuna amaanay doorka ay qaateen.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this