Sign in to follow this  
Deeq A.

Donald Trump oo saxiixay deyn cafinta Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (SMN) – Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa saxiixay sharci dhammaystiran oo muddo sannad ah oggolaanaya wajiga koowaad ee deyn cafinta Soomaaliya.

Horaantii todobaadkan, golaha Koongarayska ayaa meel mariyey sharci oggolanaya in Soomaaliya laga dhaafo $1.1 billion oo ah deynta uu Mareykanka ku leeyahay.

“Cafinta deynta Soomaaliya waxay la macno tahay dhismaha wadooyin cusub, xoojinta haweenka iyo in loo dhaqaaqo tallaabooyin horay loogu qaadayo si loo soo afjaro saboolnimada ba’an,” ayuu yiri Eric LeCompte, Madaxa Fulinta Jubilee oo ah koox ka shaqeynaysay gargaarka deyn cafinta Soomaaliya.

Hay’adda Lacagta Adduunka ayaa arbacadii ku dhawaaqday in ay qabanqaabineyso cafinta qaybteeda deynta Soomaaliya oo gaareysa $140 milyan.

Soomaaliya waxaa lagu leeyahay $4.6 bilyan oo deyn ah. Mareykanka oo kaliya ayaa ku leh aduun lacageed dhan $1.1 bilyan.

Inta soo hartay deynta waxaa iska leh Hay’adda Lacagta Adduunka, Bangiga Adduunka, Faransiiska iyo Talyaaniga.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this