Sign in to follow this  
Deeq A.

Ashraf Ghani oo mar kale ku guulaystay madaxtinimada Afghanistan

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha waddanka Afghanistan Ashraf Ghani ayaa guuleystay doorashada madaxtinimo ee dalkaasi ka dhacday bishii September, sida ay shaaciyeen guddiga doorashada Afghanistan.

Guddiga ayaa maanta shaaciyay Natiijada cod-bixinta, xilli loo jeedinayay eedeymo la xiriiray musuq maasuq, waxaana guddigu sheegeen in Ghani uu helay 50. 64 boqolkiiba, natiijadaas oo ka dhigeysa inuu ka badiyay musharrixii isaga la tartamay ee Abdullah Abdullah oo uu guddigu sheegay inuu helay codad dhan 39.52.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi, Gulbuddin Hekmatyar ayaa soo galay kaalinta saddexaad, isaga oo helay 3.85 codadki ay dhiibteen ku dhawaad laba milyan oo reer Afgahsnatn ah. Abdullah Abdullah ayaa markiiba ku dhawaaqay inuusan aqbali doonin oo uu gudbin doono ashtako.

Natiijadi Axaddi maanta soo baxday ayaa marki hore la qorsheeyay in ay guddiga madaxa bannaan ee doorashada ku dhawaaqaan bishii October, balse waxaa dib loogu dhigay sababo lagu sheegay cillado farsamo, eedo musuq maasuq iyo cabasho ka timid musharraxiinta.

PUNTLAND POST

The post Ashraf Ghani oo mar kale ku guulaystay madaxtinimada Afghanistan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this