Deeq A. Posted December 22, 2019 Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerarkii qaraxa ahaa ee xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Tirada iyo dhimashada weerarkaasi ayaana lagusoo waramayaa in ay ku dhinteen in ka badan 7 ruux oo isugu jiray shacab iyo askar ka agdhawayd goobta uu qaraxu ka dhacay. Halka tirada dhaawaca ahna ay kor u sii dhaafayaan ilaa 50 ruux oo u badan dad shacab ah sida uu xaqiijiyay agaasimaha isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo. Waxa uu sidoo kale sheegay agaasimuhi, in dadkaasi ay qabaan dhaawacyo kala duwan, haddana lagu baxnaaninayo gudaha isbitaalka guud ee Gaalkacyo. Taliyaha Ciidanka Lugta ee Soomaaliya C/Xamiid Maxamed Dirir ayaa sheegay in Gaarigiisa lagu dhuftay qaraxa ayna kaga dhaawacmeen lid ka mid ah ilaaladiisa kuwaas oo uu sheegay in dhaawacooda uu fududyahay. C/Xamiid ayaa sheegay in markii uu weerarka Ismiidaaminta ah uu dhacayay ay ka baxeen Hotel ku yaalla Koofurta Magaalada Gaalkacyo. Al-shabaab oo sheegatay Mas’uuliyadda weerarka ayaa sheegay in weerarkaas ay ku dileen Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Share this post Link to post Share on other sites