Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha ciidanka Lugta oo ka warbixiyey qaraxii Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

General Cabdixamiid Maxamed Dirir taliyaha ciidanka Lugta ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixiyey khasaaraha ka dhashay weerar xalay lagu qaaday Hoteel uu ku sugnaa oo ku yaalla koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Taliyaha yaa sheegay in qaraxa lagu weeraray kolonyo uu la socday balse uu ka badbaaday, wuxuuna xusay inay ku dhaawacmeen 6 askari oo ka mid ahaa ilaaladiisa.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in qaraxa ay ku dhinteen dad kale oo shacab ahaa oo ka agdhowaa meesha ay wax ka dhaceen.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaan, waxaana ay baahisay inay khasaaro lixaad leh ku gaarsiisay ciidamo ku sugnaa halkaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Nafiso-1.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this