Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiiro ka tirsan XF oo hortagay golaha shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirada caafimaadka iyo gargaarka Soomaaliya, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur iyo Xamza Siciid Xamza ayaa maanta hortagay baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka oo goor dhow furmay ayaa waxaa shir guddoominaya, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golahaasi.

Labada wasiir ayaa marka hore laga dhageysan doonaa warbixino ku aadan howlaha wasaaradaha caafimaadka iyo gargaarka ee xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale xildhibaanada golaha shacabka ayaa wasiirada wax ka wey diin doono xaaladihii ugu dambeeyey fatahaadaha dalka iyo dhanka howlaha caafimaadka.

Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii la soo dhaafay waday su’aalo weydiinta golaha wasiirada xukuumadda, waxaana horay u hortagay wasiirada warfaafinta, amniga, gaashaandhigga iyo kan duulista hawada ee xukuumadda Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this