Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir looga hadlayo arrimaha Somalia iyo S/land oo ka furmay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkaan oo ah mid wada xaajood ah ayaa waxaa ka qeyb galaya xildhibaano, waxgarad matalaya Somaliland iyo guddiga wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Inta uu socdo shirka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa sii wadida geedi socodka wadahadallada labada dhinac iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha taagan.

Wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa afartii sano ee la soo dhaafay hakad ku jiray, iyadoona uusan dhicin wax is arag ah oo u dhexeeya labada dhinac.

Somaliland ayaa tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale raadineysay Ictiraaf, si loogu aqoonsado dal madax banaan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this