Deeq A. Posted December 22, 2019 Wararka laga helayo degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta si aad ah loo xoojiyey amniga magaaladaasi. Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa lagu arkayaa goobaha muuhiimka ah ee Dhuusamareeb, iyaga oo wada baaritaano lagu xaqiijinayo amniga. Ujeedka howlgalladaan ayaa lagu sheegay kuwo looga hortagayo falalka liddiga ku ah nabad galyada ee mararka qaar ka dhaca halkaasi. Bisha soo socota ayaa la filayaa in doorashada madaxweynaha Galmudug lagu qabto magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites