Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan ka tirsan G/Shacabka oo eedeeyey DF Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ah guddoomiyaha guddiga difaaca ee golaha shacabka ayaa ku eedeeyey dowladda dhexe inay ka gaabisay wadahadallada Soomaaliya iyo S/land.

Xuseen Carab Ciise oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in dowladdu aysan sameyn dadaalladii looga baahnaa ee geedi socodlka wadahadalladaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in deeqaha beesha caalamka ee lagu soo dhiibo magaca Soomaaliya la siyaasadeeyey qoondada Somaliland, caqabadna ay tahay.

Ugu dambeyn xildhibaankaan oo deegaan doorashadiisu tahay gobollada Waqooyi ayaa xusay inay muhiim tahay in la dhameeyo Dastuurka, si looga gudbo caqabadaha kala duwan ee hadda ka jira gudaha Soomaaliya.

Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Wareysi-Xildhibaan-xuseen-Carab-Ciise.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this