Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo Garoowe kaga qeyb-galay Xuska 76-guuradii As’aaska Booliiska Soomaaliyeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay ka qayb galay munaasabad lagu xusayo sanad guuradii 76-aad ee ah aa’saaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Kulanka oo lagu qabtay xarunta Taliska Guud ee Ciidamada Booliska Puntland, waxaa sidoo kale ka qayb galay Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire, xubno ka mid ah labada Gole ee Dowladda, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere, Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Aw-muuse, Taliyaha Ciidamada Asluubta Dowladda Puntland Gen. Cali Nuur Cumar, Kooxaha Bambayda, Fanaaniin iyo dadweyne kale.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii uu halkaasi gaaray salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Booliska Puntland, ka dibna waxaa si rasmi ah u bilowmatay qeybta kale ee munaasabada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ugu horeyn Hambalyo u diray Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidamada Booliska Puntland, iyaga iyo Xaasaskooda, Caruurtooda iyo dhammaan Eheladooda wuxuu ugu hambalyeeyay munaasabada sanad guurada 76-aad ee aasaaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Wuxuu Madaxweynuhu kasoo sheekeeyay burburkii ka dib, sida lagu a’saasay Ciidamada Booliska Puntland iyo marxaladihii ay soo mareen, isagoo xusay in Dowladda Puntland ay hadda waddo oo uu socdo qorshaha tayeynta Ciidamada Dowladda Puntland, oo Booliskuna uu qeyb ka mid ah yahay.

  • 1-24.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2-21.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-18.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-13.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-14.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6-12.jpg?w=1000&ssl=1
  • 7-10.jpg?w=1000&ssl=1
  • 8-11.jpg?w=1000&ssl=1
  • 9-9.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Deni oo Garoowe kaga qeyb-galay Xuska 76-guuradii As’aaska Booliiska Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this