Deeq A. Posted December 22, 2019 Doodda xoogeeda ayaa bilaabatay kadib markii magaaladda Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu xusayay muddo sanad ah oo kas oo wareegtay markii la doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen. Madaxweyne Lafta gareen ayaa sheegay in lagu cel-celiyo dad lagu dilay magaalada Baydhabo xilligii doorashadiisa balse aan la soo hadal qaadin 11 qof ee reer koonfur Galbeed ah oo mar qura lagu laayay magaaladda Gaalkacyo. “Maalin maalmaha ka mid ah ayaa 11 qof oo reer koonfur Galbeed hal subax meel lagu laayay. Xasuuq kaas ka weyn miyaa jira? Weligiin wax sheegaya ma maqasheen? . Dadka sheegaya oo Baydhabo ayaa xasuuq ka dhacay leh waa dadkii meeshaas (Gaalkacyo) ka yimid, anagii nala xasuqay ayaa xishooneeyna” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen. Madaxweynaha koonfur-Galbeed ayaa hadalkaan sheegay isaga oo u qudbeynaya marti sharaftii ka qayb gashay sanadguuradii 1aad ee madaxtinimadiisa. Ka sokow martida kale, goobta waxaa fadhiyay Taliyaha Ciidanka Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo si gaar ah loogu eedeeyay in uu ka dambeeyay dad ku dhintay Baydhabo kadib markii ay dhaceen dibadbaxyo lagu diidanaa xarigga Mukhtaar Rooboow. General Mahad waxaa uu sanad ka hor ahaa Taliyihii Booliiska Koonfur-Galbeed. Hadalka uu magaaladda Baydhabo ka jeediyay Madaxweynaha Koonfur-Galbeed waxaa ka jawaabay Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya wuxuuna sheegay in dadkii 11 qof ku dilay magaaladda Gaalkacyo aysan ahayn cid gaar ah, balse haddii lala xiriiriyo cid gaar ah ay shabaabka dadka ku laaya Muqdishana noqonayaan cid gaar ah. Mahad Salaad ayaa qormadiisa waxaa uu cinwaan uga dhigay “**********ka iyo Alshabaabka dhiigya cabka ah isku qaanad ayay ku jiraan ee yaan la qabiilayn ama qolo waliba midka ku abtirsada xumaantiisa ha qaado”! “Waxaan kuu sheegayaa Madaxweynow, hadii **********ka Gaalkacyo dadka ku laayay qabiil ahaan aad noo xijinayso adigana midka Alshabaabka ah ee maalin walba dadkeena ku xasuuqaya magaalada Muqdisho isku qabiil ayaad tihiin ee mas’uuliyadiisa adiguna qaado” ayuu qoraalkiisa ku daray Xildhibaan mahad Salaad. Qoraalka Xildhibaanka waxaa ka falceliyay Xildhibaano ka soo jeeda Koonfur-Galbeed waxayna ku eedeeyeen in Mahad uu Al-shabaabnimo ku xukumay bulshada reer koonfur Galbeed iyo in uu dadka farayo in dadkaas laga aar-guto hadii ay Al-shabaab waxyeelo geystaan. Xildhibaan Cabdifitax Ibraahin Geeseey oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku hanjabay in haddii uusan raali gelin bixin Mahad Salaad uu Mowshin ka geyn doono golaha isla markaana la hor geyn doono guddiga anshaxa golaha. “Xildhibaanka haduu raali gelin deg deg ah ka bixin waayo isla hada waxaa subaxa Berito ah fadhiga baarlaman ka ka gudbin doonaa moshin ka dhan ah kadibna guddiga anshaxa ayaa la marinayaa si waafaqsan sharciga iyo xeer hoosadka golaha shacabka si looga qaado talaabo waafaqsan dembiga uu galay” ayuu Xildhibaan Geeseey ku soo qoray bartiisa Facebook. Mahad Salaad oo durba hadalka Geeseey ka jawaabaya ayaa sheegay in sharcigu uu dadka u simanyahay isla markaana uusan cid gaar ah gacmaha ugu jirin. Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka tirsan golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Koonfur-galbeed ayaa dhankiisa arrinta ka hadlay, waxaa uu sheegay in laga dawoobay dadkii lagu laayay Gaalkacyo. Dhanka kale Senator-ka ayaa Xildhibaan Mahad Salaad ku eedeeyay in uu taageersanyahay ficilkii dadka rayidka ah loogu xasuuqay Gaalkacyo, waxaana uu weydiiyay su’aal ah “soo ma aadan fasixin in qofkii Shabaab Muqdisho ku disho loo laayo dadka ka soojeeda Koonfur Galbeed”? “Hadaba Xildhibaan waxaad ogaataa in qofkii Muqdisho wax ku gaareen oo ka soo jeeda KG aad mas’uul ka tahay, qoraalka aad bartaada Facebook soo dhigteyna cadeyn buuxda u yahay” ayuu qoraalkiisa ku daray Senator Xuseen Sheekh Maxamuud. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo isna ataagayey Madaxweyne Lafta-Gareen ayaa weydiiyey su’aalo dhowr ah oo ku saabsanaa khudbadii uu habeen ka hor ka jeediyey Baydhabo, balse waxaan su’aalahaas ka soo qaadaneynaa Seddaxdan. “Marka koowaad ma jirin qof waxgarta oo reer Galmudug ah oo aan dhacdadaas foosha xumeyd ka hadlin ka hadal kaliya kuma ekayne waxaan tagney goobtii wax ka dhaceen waxaana labo todobaad ka dib arintaas looga heshiiyey si mugleh, Qodobka labaad, dadka la diley 11 ma dhammeyn mana wada ahayn reer koofur Galbeed, taasna waa qalad kale oo hadalka laftagareen uu xambaarsanaa! Midda saddexaad, waxaa la is-weydiin karaa sababta madaxweyne Laftagareen isugu xirey siyaasiinta reer Galmudug ee ka hadasha dalka waxa ka dhaca, tan aan is leeyahay waa ka gudbteyna ay tahay ka hadalka wixii ka dhacey Baydhabo sanadkii hore dabayaaqadiisii” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi. Qoraaladda Xildhibaanadda iyo hadalka Madaxweyne Cabdicasiis ayaa u muuqda in ay abuureen qabyaalad siyaasi ah taasi oo bulshada xasuusineeysa dhaawacyadii qalbiga ku yaalay ee ay masuulka ka yihiin Al-shabaab iyo raggii shacabka aan waxaba galabsan ku laayay magaaladda Gaalkacyo. Doodaan ayaa waxay si gaar ah u taabaneeysaa dhibaneyaasha iyo ehelkooda ay kala dhantaaleen rasaas ay rideen ciidanka Booliiska ee magaaladda Baydhabo, weerarada Al-Shabaab iyo dil-wadareedkii ka kala dhacay habeeno gudahood magaalooyinka Gaalkacyo iyo duleedka Dhuusamareeb. Marka loo eego sida ay dad badan uga falceliyeen waxaa hubaal ah in qoraaladda isdiidan ee xildhibaanaddu ay abuuren kala qaybsanaan hor leh isla markaana ay sii kala fogeynayaan bulshada Soomaaliyeed ee ka soo daashay dilka, dagaalka iyo dhiig daadinta oo ay ku soo jireen sanado badan. Balse waxaa isweydiin leh, saameyn intee la eg ayey bulshada u geysaneysaa kala qaybsanaanta qabyaaladeysan ee ka dhex aloosan xildhibaanadii ay wakiisheen? Share this post Link to post Share on other sites