Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xaaf oo war ka soo saaray weerarkii caawa ka dhacay GAALKACYO

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa u tacsiyeeyay dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay qaraxii caawa ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Qaraxa oo ahaa gaari waxyaaba qarxa laga soo buuxiyey oo lagu dhuftay gaari ciidan ayaa ka dhacay banaanka hore ee hotel ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo ay ku jireen taliyaha ciidanka dhulka iyo taliyaha qeybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka.

Inta la xaqiijiyey lix ruux oo iskugu jiray askar iyo dad shacab ah ayaa ku geeriyootay qaraxaas tiro intaasi ka badana dhaawacyo ayaa ka soo gaaray.

Qoraal uu goor dhaw soo saaray Madaxweyne Xaaf ayuu ku yiri, “Waxaan Tacsi u diray Ciidamada Amniga iyo dadkii shacabka ahaa ee dhaawaca iyo dhimashadu kasoo gaartay Qaraxa caawa ka dhacay hotel Five Star ee Magaalada Gaalkacyo”.

“Samir iyo iimaan ha inaga wada siiyo eebe ha inaga diiyo wiilasha iyo hooyinka ku naf waayay musiibada ay caawa geysteen kooxa arxan laawayaasha ah ee caado ka dhibtay in ay markasta dhibaateeyaan dadka maatada ah iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed waxa aan ugu baaqayaa in reer Gaalkacyo fadhiga ka kacaan oo ay meel uga soo wada jeestaan Cadowga lana shaqeeyaan ciidamada Amniga si looga hor tago falalka guracan ee Cadowgu Geesanayaan” Ayuu qoraalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Xaaf.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this