Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xaaf oo ka hadlay weerarka Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (SMN) – Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay qaraxii huteelka Gaalkacyo ayaa sheegay in uu tacsi u diray ehelada dadkii wax ku noqday.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa lagu sheegay in falkaan ay ka dambeeyeen kooxo argagixiso, sidda uu hadalka u dhigay.

Hoos ka akhriso qoraalka

INAALILLAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa ka tacsiyeey Dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay musiibada caawa ka dhacday Magaalada Gaalkacyo oo ay kooxaha Argagixisada ahi Qarax kula eegtii Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa qeybta 21aad oo ku sugnaa goobta ay musiibadu ka dhacday

Waxa uu Madaxweynuhu Tacsi u diray Ciidamada Amniga iyo dadkii shacabka ahaa ee dhaawaca iyo dhimashadu kasoo gaartay Qaraxa caawa ka dhacay hotel Five Star ee Magaalada Gaalkacyo.

“Samir iyo iimaan ha inaga wada siiyo eebe ha inaga diiyo wiilasha iyo hooyinka ku naf waayay musiibada ay caawa geysteen kooxa arxan laawayaasha ah ee caado ka dhibtay in ay markasta dhibaateeyaan dadka maatada ah iyo guud ahaan shacabka soomaaliyeen waxa aan ugu baaqayaa in reer Gaalkacyo fadhiga ka kacaan oo ay meel uga soo wada jeestaan Cadowga lana shaqeeyaan ciidamada Amniga si looga hortago falalka guracan ee Cadowgu Geesanayaan”.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this