Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye iyo saraakiil ka badbaaday qaraxii Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxa caawa ka dhacay magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay banaanka huteel uu deganaa Taliyaha Ciidanka Lugta Soomaaliya, Jeneraal Cabdixakiim Maxamed Dirir.

Taliyaha iyo saraakiil kale ayaa lagu waramayaa in ay ka badbaadeen weerarkan oo aysan jirin koox illaa iyo haatan sheegatay.

Weerar oo loo adeegsaday gaari walxo qarxa laga soo buuxiyey ayaa la sheegayaa in uu sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamadda ayaa isku geedaamay halka ay wax ka dhaceen, taasoo adkeyneysa in la helo khasaaraha guud ee dhabta ah.

Taliye Dirir oo xilkaas loo magacaabay bishii October ee sanadkan ayaa maalmihi u dambe u joogay degaanada Galmudug arrimo nabadeyn ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this