Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey qaraxa Gaalkacyo iyo xaaladda taliyaha ciidamada lugta Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari loo adeegsaday oo caawa lala beegsaday Hotel lagu magacaabo Global, oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Hotelka la weeraray ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku sugnaayeen Taliyaha ciidanka Lugta ee xoogga dalka Cabdixamiid, Taliyaha qeybta 21-aad ee xoogga dalka Cabdicasiis Qooje iyo saraakiil kale oo dhawaan ka soo laabtay xalinta colaad beelo ka soo kala jeeday Galmudug iyo Puntland ku dhex martay bariga gobolka Mudug.

Wararka naga soo gaaray hotelka ayaa sheegaya inay jiraan khasaare soo gaaray qaar ka mid ah ciidanka iyo shacab ku sugnaa halka uu qaraxu ka dhacay.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogqa Dalka Soomaaliya Gashaanle Cabdifitaax Dabagaale ayaa sheegay in Taliyaha Iyo saraakiishii la socotay ay bad qabaan, hase ahaatee ay ciidamo iyo dad rayid ahi ku waxyeeloobeen qaraxa.

Waxii ka soo kordha kala soco Caasimada Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this