Sign in to follow this  
Deeq A.

War-murtiyeed laga soo saaray Shirkii Maaliyadda dalka ee Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirka Midaynta Hannaanka Maaliyadda dalka oo u dhexeeyay wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wasiirada Maaliyadda heer dowlad goboleed, ayaa lagu soo geba-gabeeyay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubaland.

Shirka oo uu saaka daah-furay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaan, ayaa waxa ka qeyb-galay wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, wasiirada Maaliyadda heer dowlad goboleed iyo mas’uuliyiin ka socday gobolka Banaadir.

Sida ku qorneyd Jadwalka Shirka, waxay ahayd in uu socdo mudda saddex maalmood ah laga soo bilaabo 19-ka bishaan December ilaa 22-December oo ku beegan maalinta berriya, balse Shirka oo Sabtida maanta furmay ayaa isla galabta la soo geba-gabeeyay.

War-murtiyeed laga soo saaray Shirkaasi, ayaa lagu sheegay in la isku raacay in dhammaan xogaha Maaliyadeed ee dalka si joogta ah loo wadaago, islamarkaana lagu wada-shaqeeyo Shax Maaliyadeed ay degsadeen dhinacyada.

Shirka kan xiga ayaa sidoo kale lagu ballamay in 1-da Maarso ee sannadka soo socda 2020 lagu qabto magaalada Baydhabo ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Hoos ka akhriso war-murtiyeedka Shirka

Kow-1.jpg?w=1000&ssl=1 Laba.jpg?w=1000&ssl=1 Saddex.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post War-murtiyeed laga soo saaray Shirkii Maaliyadda dalka ee Kismaayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this