Deeq A. Posted December 21, 2019 Abwaan Shube Wasiirka Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa xilkii ka qaaday Maareeyihii Golaha Murtida iyo Wacyigalinta Qarankan (Tiyaatarka) Maxamed Abuukar Axmed Ma’da. Sidoo kale Wasiir Maareeye ayaa Maareeyaha cusub ee Tiyaatarka Qaranka u magacaabay Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Yuusuf (Shube). Abwaan Shube ayaa Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni 29 June 2019 u magacaabay Guddoomiyaha kooxda Hooballada Waaberi Puntland Maxamed Abuukar Axmed Ma’da ayaa xilka laga qaaday horey loogu magacaabay bishii April ee sanadkan, isagoo bedelay Abwaan Guure. Hoos ka akhriso digreetada lagu magacaabay Abwaan Shube PUNTLAND POST The post Federaalka oo xil u magacaabay Abwaan Shube appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites