Deeq A. Posted December 21, 2019 Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa xilka ka qaaday maareeyihii Golaha Murtida iyo wacyigalinta Qaranka Maxamed Abuukar Axmed Ma’da. Wareegto kasoo baxay Xafiiska Wasiir Maareeye ayaa waxaa Maareeyaha Cusub ee Golaha Murtida iyo wacyigalinta Qaranka loogu magacaabay inuu noqdo Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Yuusuf Shube. Maxamed Abuukar Axmed Ma’da ayaa xilka Maareeyaha Golaha Murtida Qaranka haayay muddo 8-bilood ah, isagoona xilkaas ka bedelay Abwaan Guure. Share this post Link to post Share on other sites