Sign in to follow this  
Deeq A.

Cumar Cabdirashiid oo si weyn looga soo dhaweeyey Garoowe iyo ujeedka safarkiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland si weyn loogu soo dhaweeyey  Senator Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo hore u soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Cumar Cabdirashiid ayaa saxaafaadda u sheegay inuu 25 Bishaan ka qeyb geli doono Caleema-saarka Fiqi Cabdinaasir Maxamuud Mire oo ka dhici doonto tuulada Jeedalow oo ka tirsan deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.

Warar kale oo ay heshay Shabakadda Caasimadda Online, ayaa sheegayo in qorshaha Cumar Cabdirashiid ay qeyb ka tahay dhexdhexaadinta madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Bari ee sida weyn u mucaaradsan xukuumadda Puntland.

Safarka Cumar Cabdirashiid ee deegaanada Puntland ayaa kusoo aadayo xilli dalka uu u diyaar garoobayo doorashada 2020-2021.

Cumar C/rashiid ayaa ka mida Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, isgoo aan kas oo xaadirin dhammaan kalfadhiyadii Golahaasi mudadii seddexda sano aheyd.

Cumar Cabdirashiid ayaa kamid ah xubnaha sida weyn u mucaaradsan dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this