Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha ciidanka Uganda ee Somalia oo xil ka la wareegay

Recommended Posts

Deeq A.   

Gen. Richard Otto oo ah taliyaha cusub ee ciidamada Uganda ka jooga gudaha Soomaaliya, islamarkaana qeyb ka ah howlgalka AMISOM ayaa si rasmi ah xil ka u la wareegay, kadib munaasabad ka dhacday xarunta Xalane ee magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Taliyaha cusub ayaa bedalaya, midkii isaga ka horreeyey ee Michael Kabango oo xil kaasi hayey sanadihii la soo dhaafay.

Genaraal Otto ayaa leh khibarado kala duwan, waxaana 2013-kii uu soo noqday madaxa howlgallada ee xarunta dhexe ee ciidamada AMISOM.

Sidoo kale wuxuu wax ku soo bartay dalka Ruushka, isaga oo ku qaatay tababar aad u sarreeya oo dhinaca milatariga iyo ciidamada.

Taliyaha cusub oo xafladda xil wareejinta ka hadlay ayaa sheegay inuu hal-keeda ka sii wadi doono shaqada, islamarkaana uu xoojin doono dagaalka Al-Shabaab.

Uganda ayaa ah dalka ugu badan oo ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya dalalka ay ka socdaan Ciidamada AMISOM, kuwaas oo tiradoodu tahay illaa 6,000 oo askari

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this