Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Beeraha oo Fasax Iska Aaday Xilli Ayaxu Noqday Musiibo Qaran!

Recommended Posts

Deeq A.   

Soomaaliya 6-dii bil ee ugu dambeysay waxaa ka jirtay musiibo qaran oo la xiriirta Ayaxa  kaas oo baabi’iyey dalagga, geedaha iyo wax walbo oo caleen leh.

Haddaba, Goobjoog News ayaa ogaatay in wasiirka beeraha uu ka gaabiyey talooyin badan oo arrinkan wax looga qaban lahaa oo ay siiyeen hey’adaha caalamiga iyo  khubarada dalka, isaga oo iska aaday fasax, waa hade halkii wasiirrada caalamka marka ay arrimahan oo kale dhacaan ay soo gaabiyaan ama joojiyaan safarrada, dalkana ku soo laabtaan!

Wasaaradda waxaa ay musiibada ka dhigtay mid xalkeeda u taalo beesha caalamka iyo FAO, lama arkin hawl-wadeenadeeda oo iskudey sameeya ama dadka wacyigeliya taas oo soo dedejisay fashilkooda iyo iney ku guuldareysteen imtixaankan.

Hawl-wadeenno ka tirsan wasaaradda beeraha oo la hadlay Goobjoog News, codsadana in magacooda la qariyo ayaa sheegaya in wasiirka uu fasax qoys u aaday Turkiga xilli uu dalku musiibo ku jira isaga oo xataa aan ka tegin lacag iyo barnaamij arrinkan wax looga qabto.

Tallooyinka uu wasiirka diiday waxaa ka ahaa:

1. Wasiirka ilaa hadda ma arkin heerka musiibada Ayaxa, waxyeelada, lama hadlin beeraleyda Soomaaliyeed, xataa kamana guban dhibaatada iskaba daa xalkeeda e.

2. Markii uu Ayaxa korokorada ahaa, waxaa lagu taliyey inuu dadka ku wacyigeliyo iney dhulka qodaan, oo aasaan, laakin far ma dhaqaajin, xataa ma isticmaalin warbaahinta qaranka, maanta Ayaxu waxaa uu duulayaa ilaa 150 KM.

3. Waxaa lagula taliyey inuu dadka ku dhiirigeliyo is-xilqaan qaran iyo wax qabsi, oo ardeyda, ciidanka iyo cid walba ka qeyb qaadato la dagaalista Ayaxa laakin dhagaha ayuu ka fureystay.

4. Waxaa lagula taliyey in deegaan, dowlad goboleed iyo qarankaba  iska kaashadaan arrintan, la isku yimaado, oo loo arko musiibo qaran, waa ka seexday.

5. Hey’adda FAO waxaa ay kula talisay inuu bixiyo $ 5,000 oo keliya si loogu iibiyo sun ay beeraleyda isticmaalaan halka hey’addana ay bixineyso waxa kale, taasina waa diiday.

6. Sida hawl-wadeennada wasaaradda beeraha sheegayaan, Ayaxu hadda waxaa uu gaaray heerkii 2-aad, waxa ay aheyd in wax laga qabto June markii uu bilaabanayey, laakin jiilkii hore ma ahee hadda waxaa jooga jiilkii 2-aad, waana 6 bil oo ay wasaaradda gacmaha ka xiratay.

7. Wasaaradda beeraha mushkiladda Ayaxu uma aragto mid qaran oo waxay rumeysan tahay in arrintan xalkeeda ay beeraleyda iyo beesha caalamka iska kaashadaan.

Wasaaradda beeraha miisaaniyadeeda sanadlaha ah waa: $1,558,891, lama yaqaano waxa ay ku qabato, waxbo kala qabato abaaraha iyo farataahadaha jira.

Beeladeyda waxaa ay ka mid yihiin dadka ugu dhibaatada badan, waxyeelo waxaa u geystay roobka, abaarta, cayeyaanka iyo arrimo badan, beerahana waa mid ka mid ah 3-da shey ay Soomaaliya ku faanto sida xoolaha iyo kaluunka, sidaasi ay tahay dadku ma dareemaan jiritaanka wasaaradda beeraha xataa qaarkooda ma yaqaanaan magaciisa.

“Aniga waxaa suuqa ka gatay sun, waan ku shubaa, haddii hal mid wax ka tari weyso nooc kale ayaan ku shubaa, wasaarad iyo cid kale ma arko, ee caqligeyga ayaan ku socdaa”, waxaa yiri Maxamed oo ka tirsan beeraldeyda.

Xafiiska ra’isul wasaare Xasan Kheyre oo aan wacnay si aan u weydiinno sida wasiir fasax u qaadan karo xilli beeraleyda dhibaato ku jiraan, waxaan weynay cid noo jawaabto.

Maamulka Farmaajo waxaa uu ku guuldareystay inuu gaaro gobollada iyo maamul goboleedyada, shaqada ugu badan waxaa ay ka qabtaan uun Xamar taasi oo ka hor imaaneysa baahinta maamulka iyo inuu muwaadinka dareemo dowladnimada.

W/D: Cabdi Caziz Gurbiye. 

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this