Sign in to follow this  
Deeq A.

Sababta ay madaxda sare uga baaqdeen ka qeyb galka xuska maalinta booliska

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta Garoonka Eng Yariisow Ex Koonis lagu qabtay Munaasabad lagu xusayay sanadguurada 76-aad ee ka soo wareegtay aas aaskii ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Munaasabadda Ciidanka Booliska waxaa ka qeyb gali jiray Madaxda ugu sareysa dalka Sidda Madaxweynaha ama Ra’iisul Wasaaraha oo Khudbad ku aadan waajibaadka Ciidanka Booliska iyo dhiirigalin u sameyn jiray Sanadyadii ugu dambeeyay.

Munaasabadda maanta lagu qabtay Garoonka Eng Yariisow waxaa ka qeyb galin Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Kheyre oo labadda ku sugan dalka.

Waxaa  sidoo kale Munaasabadda ka baaqsaday Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed” Filish”.

Wararka laga helayo Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu xafladda ka baaqsaday saacadihii ugu danbeeyay, kadib markii la-taliyeyaasha ay sidaasi u soo jeediyeen, waxaana sidoo kale ka baaqday Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo arrintaas kadib la filayey inuu buuxiyo booska Madaxweynaha markii xilli danbe lagu wargeliyey go’aanka Madaxweynaha.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamud Abuukar Islow ayaa dowladda ku metelay xafladda, waxaana si weyn loo hadal hayaa xaaladda Madaxweynaha oo muddooyinkii ugu danbeeyay diidanaa qaabilaadaha qaarkood.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ah taliyaha Guud ee Ciidanka ayaa inta badan dardaaran u jeedin jiray Ciidanka Booliska sidoo kalena dalacsiin jiray Saraakiisha Shaqooyinka muhiimka ah qabta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this