Sign in to follow this  
Deeq A.

Guuleed oo war kasoo saaray xiisadda u dhaxeysa siyaasiyiinta Galmudug iyo Koonfur Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo hadda ka mid ah siyaasiyiinta la filayo inay ugu cad-cadaadaan doorashada 2021, ayaa ku baaqay in la dajiyo xiisadda ka dhalatay falceclinta hadalkii Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen uu ka sheegay Magaalada Baydhabo.

Mudane Guuleed oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ku baaqay in laga fogaado hadalada caadifadda leh oo dadka wadajirkooda iyo walaaltinimadooda dhaawacaya waxna u dhibaya.

Wuxuu sheegay inuu hubo in dadka reer Galmudug guud ahaan iyo dadka reer Gaalkacyo aysan talo iyo tashi intaba ku dilin kuna xasuuqin dad reer Koofur Galbeed ah.

Sidoo kale wuxuu sheegay inaysan xaq aheyn in dadka reer Koonfur Galbeed  lala xiriiriyo falalka argagaxiso iyo qaraxyo ee Muqdisho iyo Soomaaliya inteeda kalaba ka dhacaya, kuwaas oo uu sheegay inay hubaal tahay in dad badan oo reer Koofur Galbeed ah ay ugu horeeyaan inta wax ku noqota, dhibaataduna ka soo gaarto.

Halkaan hoose ka akhriso hadalka Guuleedo oo dhameytiran:

Waxaan ku arkayey baraha bulshada labadii maalmood ee la soo dhaafay hadalo iyo falcelis ka dhashay hadal uu jeediyey madane Cabdicasiis Laftagareen madaxweynaha Koofur Galbeed, hadaladaas iyo falcelisyadaas oo aad moodo inay kicin karto caadifadda dadka, beerina karaan kala fogaashaha dadka walaalaha ah ee reer Galmudug iyo Koofur Galbeed.

Haddaba waxaan ku baaqayaa in aan dhammaanteen ka fogaano hadalada caadifadda leh oo dadkana wadajirkooda iyo walaaltinimadooda dhaawacaya waxna u dhibaya.

Waxaa hubaal ah in dadka reer Galmudug guud ahaan iyo dadka reer Gaalkacyo aysan talo iyo tashi intaba ku dilin kuna xasuuqin dad reer Koofur Galbeed ah, markii ay dhacdadii Gaalkacyo dhacdayna dhamaantood ay ka dhiidhiyeen kana gilgisheen, ayagoo intii ay karaanna ka samafalay kana garaabay falkaas xun oo ay geesteen dad wax ma garad ah.

Dhanka kale dadka reer Koofur Galbeedna xaq ma aha in lala xiriiriyo falalka argagaxiso iyo qaraxyo ee Muqdisho iyo Soomaaliya inteeda kalaba ka dhacaya, kuwaas oo ay hubaal tahay in dad badan oo reer Koofur Galbeed ah ay ugu horeeyaan inta wax ku noqota, dhibaataduna ka soo gaarto.

Haddaba waxaa haboon in dadka masuuliinta ah ay ka shaqeeyaan wax dadkeena isku soo dhaweynaya, xoojinayana wadajirkooda, iskaashigooda iyo midnimadooda intaba, haddii uu qof inaga mid ah uu war ka dhacana fasiraadda loo wanaajiyo.

Waxaan xiriiro la sameeyay masuuliintii kala duwaneyd ee ay arintani khuseysay, si xaaladda loo dajiyo, waana ku mahadsan yihiin sida ay arinka iila garteen.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen oo markii uu arkay in hadalkiisii si kale loo fahmay cadiifadna uu kiciyey, fasiraad iyo jawaab kale ka bixiyey, taas oo ah wax masuuliyadda iyo maqaamka uu jooggo ay fareyso.

Mahadsanidiin
Abdikareem Hussein Guled

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this