Deeq A. Posted December 21, 2019 Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta Kismaayo ka furay shirka maaliyadda ee DF iyo dowlad goboleedyada dalka. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya wasiirka maaliyadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Beyle iyo wasiirada maaliyadda ee maamullada ka jira dalka. Madaxweyne Axmed Madoobe oo khudbad ka jeediyey shirkaan ayaa waxa uu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo la xariira maaliyadda dalka iyo muhiimada ay leedahay deyn cafinta. Sidoo kale wuxuu ku baaqay in la xoojiyo wadashaqeynta maamulka maaliyadda, si loo kobciyo dhaqaalaha dalka. Waa shirkii ugu horreeyey noociisa ee lagu qabto Kismaayo, tan iyo doorashadii dib loogu doortay Madaxweynaha Jubbaland oo ay ka hortimid dowladda Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites