Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye cusub oo la wareegay Hoggaanka Ciidanka Uganda ee AMISOM

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliye cusub oo dowladda Uganda u soo magacowday ciidankeeda ku sugan Soomaaliya ee qeybta ka-ah AMISOM, ayaa shalay si rasmiya xilka ula wareegay.

Warbixin lagu daabacay bogga AMISOM ayaa in Gen. Richard Otto uu si rasmiya ula wareegay Taliska Ciidanka Uganda ee ku sugan Soomaaliya, waxaana uu Taliska  kala wareegay Gen. Michael Kabango oo xilkaasi horay u hayay.

Warbixinta AMISOM waxaa lagu sheegay in munaasabad kooban oo  ka qabsoontay  Xerada Xalane uu Hoggaanka Taliska Ciidanka Uganda kula wareegay Gen. Gen. Richard Otto.

  Taliyaha cusub ayaa ballan-qaaday in uu sida ay tahay uga soo bixi doono waajibaadka loo igmaday, isagoo ka mahadceliyay Shaqada uu qabtay Taliyihii ka horreeyay ee xilka ku wareejiyay.

PUNTLAND POST

The post Taliye cusub oo la wareegay Hoggaanka Ciidanka Uganda ee AMISOM appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this