Sign in to follow this  
Deeq A.

Mahad Salaad: Lafta Gareen Hadaad nin wax garta tahay Galmudug iyo dadkeeda haka daba meeraysan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa markale soo saaray fariin ku socota Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo khudbad dood ka dhalisay baraha bulshada ka jeediyey xafladda sanad guuradii koowaad markii loo doortay hoggaanka maamulkaasi.

Mahad Salaad ayaa sheegay in Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) looga baahan yahay inuu ka garaabo gabadood-falladii loo geystay shacabka Koonfur Galbeed, halka uu ka dabameeraysan lahaa Galmudug iyo dadkeeda, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay xildhibaanadii ka soo falceliyey qoraalkiisii hore inay ka shaqeeyaan danaha dadka ay matalaan oo uu sheegay inay qaarkood xabsiyo ku jiraan.

Dagaal siyaasadeedka Qabiil ee uu qarxiyey Madaxweyne Lafta Gareen ayaa hadda gaaray meel xun, waxaana doodiisu ay si aad ah uga socotaa baraha bulshada.

Halkan hoose ka aqriso:

Fariin ku socota Madaxweyne Lafta Gareen iyo Xildhibaanada saaxiibadey ah!

Marka hore waxaan u mahadcelinayaa saaxiibada ila soo xiriiray iguna dhiirageliyay shaqada aan u hayo shacabka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan. Waa waajib diini iyo dastuuri ah in aan difaaco ama u hadlo qof kasta oo aan u arko in la dulminayo ama xuquuqdiisa lagu tumanayo ayna ugu horeeyaan shacabka reer Koonfur Galbeed.

Hadii aan u soo laabto fariinteyda, Madaxweyne Lafta Gareen waxaan leeyahay hal sano ayaad kursi dhiig leh reer Koonfur Galbeed ku xukumaysay. Maalin gelinkeed ma iswaydiisay shacabkii adiga daraadaa loo xasuuqay iyo kuwa xorriyada laga qaaday ee xabsiyada dhex ceegaaga in aad xal u raadiso. Hadaad nin wax garta tahay Galmudug iyo dadkeeda haka daba meeraysan ee gaboodfalkii shacabkaaga loo gaystay ka garaab, kuwa xabsiyada kujirana xorriyadoodii u soo celi, dadkaagana la heshii.

Xildhibaanada saaxiibadey ah ee baraha bulshada soo buux dhaafiyay waxaan leeyahay bulshada DM ee aad matashaan danahooda ka shaqeeya. Sida in Alshabaab laga xoreeyo. Kuwa xabsiyada dhex ceegaaga in xorriyadooda loo soo celiyo. Kuwa qorraxda iyo qobbada taagan hoy ay ka galaan in aad la raadisaan. Xagxagashada walaalkiina waqti ha iskaga dhuminina. Hadii wali howli qabyo idiin tahayna horay u socda aniga kulayl iyo qabow midna iguma haysee!

Mahadsanidiin.

Hon. Mahad Salad

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this