Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay G/ Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaano hoos yimaada degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay inuu u dhexeeyey ciidamada Liyuu Boolis ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo sidoo kale maleeshiyaad deegaanka ah.

Cali Cumar Yuusuf oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho u sheegay in dagaalka uu ka dhashay, kadib markii ciidanka Liyuu Booliska ay isku dayeen inay barakiciyaan dadka ku dhaqan deegaanada Neef Ku Ceshay, Laascaanood, Ceel-Baxay, Booran-Cad, kuwaas oo dhaca xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaalka ay ku dhinteen saddex ruux, kuna dhaawacmeen in ka badan 15 qof oo la geeyey degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Dhanka kale Cali Cumar Yuusuf  oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay socdaan dadaallo nabadeed oo looga hortagayo dagaalkaasi, kuwaas oo ay wadaan waxgaradka deegaanka,

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in xiisada haatan ay soo faragaliyeen ciidamada federaalka ee dowladdda Itoobiya.

Xaaladda ayaa hadda dagan, balse waxaa weli is horfadhiya ciidanka labada dhinac, iyadoona laga cabsi qabo in markale uu dagaal ka qarxo halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this