Deeq A. Posted December 21, 2019 Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaaro geystay oo saaka aroortii hore ka dhacay waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Shilka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen gaari nooca dadweynaha iyo mid kale oo ah kuwa qaada xamuulka. Ugu yaraan hal qof oo ahaa Kirishboygii gaariga Hoomeyga ayaa ku dhintay shilkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen 7 kale oo isku qoys ahaa, kuwaas oo la dhigay isbitaalka Bayaan ee deegaanka Ceelasha Biyaha. Dr Feysal Cabdi Xaaji oo ka mid ah howlwadeena isbitaalkaasi ayaa Shabelle uga warbixiyey shilkaan, wuxuuna sheegay in dhaawacyada qaar ay yihiin kuwa daran. Inta badan shilalka ka dhaca waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa loo sababeeyaa burburka jidkaasi, inkastoo hadda dib u dhis lagu bilaabay. View the full article Share this post Link to post Share on other sites