Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuska 76 guurada Booliska oo ka socota Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee loogu dabaal degayo sanad guurada 76aad ee aas aaska ciidank Booliska Soomaaliyeed  ayaa haatan ka socoto xarunta gadiidka Booliska ee Degmada Cabdicasiis

20 December ee sanadkii 1943 ayay ahayd  markii la aas aasay ciidanka booliska Soomaaliya, waxaana maanta 76 guurada ciidanka booliska ay ka socotaa magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay iminka ku sii qul qulayaan Madaxda dowladda, saraakiisha ciidamada qalabka sida, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Ciidamada booliska ayaa lagu wadaa inay goobta ku soo bandhigaan gaaddo ka cayaar iyo hannaanka looga hortegayo falalka argagixisada iyo marka ay rabshado dhacaan

Ammaanka waddooyinka magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this