Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirada Maaliyadda DFS Iyo Kuwa Dowlad Goboleedyada Oo Shir Uga Furmayo Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose uu ka furmo shir ballaaran oo looga hadlayo hanaanka maaliyadda dalka.

Shirkan ayaa waxaa isugu imaanaya dowladda federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale dowlad goboleedyada dalka ka jira, gaar ahaan wasaaradaha maaliyadda.

Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Bayle oo ku sugan Kismaayo iyo madaxda dowlad goboleedka Jubbaland ayaa la filayaa in shirkan ay si wadajir ah u furaan.

Waa shirkii ugu horreeyey ee noocan ah oo lagu qabto magaalada Kismaayo tan iyo markii dib loo soo doortay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this