Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka midaynta Hannaanka Maaliyadda dalka oo Kismaayo ka furmaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wasiirada Maaliyadda dowlad goboleedyada dalka ayaa maanta shir uga furmayaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubaland.

Shirka ayaa looga hadlayaa midaynta Hannaanka Maaliyadeed ee dalka, gaar ahaanna midaynta Nidaamka Canshuurah heer Federaalka iyo heer dowlad goboleed.

Sidoo kale Shirka waxaa looga hadli doonaan Barnaamijka Deyn-cafinta Soomaaliya, waxaana shirar midkan lamid ah ay horay uga soo qabsoomeen Ethiopia, Uganda iyo Kenya.

Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Federaalka Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo jimcihii  shalay gaaray magaalada Kismaayo ayaa maanta furaya shirkaasi.

PUNTLAND POST

The post Shirka midaynta Hannaanka Maaliyadda dalka oo Kismaayo ka furmaya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this