Deeq A. Posted December 20, 2019 Muqdisho (SMN) – Gudddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xariga ka jaray dhismaha xarunta dhallinyarada gobolka Banaadir ee degmada Shangaani. Xarigjarka kadib ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir waxa ay kormeer ku sameeyen xafiiskayada kala duwan ee xarunta dhallinyarada iyado oo munaadabadani goob joog ka ahaayeen xildhibaano iyo wasiiro katirsan DFS iyo boqolaal kamid ah dhallinyara ka kala socotay qeybaha kala duwan ee magaalada Muqdisho. Xaruntani ayuu maamulka gobolka Banaadir ugu talagalay in dhallinyarada Caasimada ay kusoo gudbiyaan afkaartooda ku aadan horumarinta dalka iyo sidoo kale in dhallinrada ay helaan madal ay ku kulmaan. Guddooomiyaha dhallinyarada gobolka Banaadir Cabdikaafi Maxamud Makaraan ayaa ka warbixiyay hirgalinta xarunta I. Gudddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa uu tilmaamay in maamulkiisa uu ahmiyad gaar ah siinayo fursadaha wax ku oolka ah ee dhallinyarada lagu dhiiragalinaayo. View the full article Share this post Link to post Share on other sites