Deeq A. Posted December 20, 2019 Muqdisho (SMN) – Saaxiibadda Caalamka ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saarey doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21. Warka qoraalka ah ayaa ugu horeyn lagu codsaday in doorashooyinka ay waqtigooda ku dhacaan isla markaana aysan imaan kororsi. Beesha Caalamka ayaa sheegtay in doorashadda soo aadan ay muhiim tahay in ay noqoto mid ku dhacda qaab nabad ah oo aamin ah. Guddiga doorashooyinka ayay u balanqaadeen in ay kala shaqeyn doonan sidii uu u fulin lahaa waajibaadka ayna siinayaa taageero. Ugu dambeyntii, baarlamaanka federaalka ah ayay ku booriyeen in uu meelmariyo sharciga doorashooyinka dhamaadka sanadkan 2019-ka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites