Sign in to follow this  
Deeq A.

B/Caalamka oo war kasoo saartay doorashada Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Saaxiibadda Caalamka ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saarey doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21.

Warka qoraalka ah ayaa ugu horeyn lagu codsaday in doorashooyinka ay waqtigooda ku dhacaan isla markaana aysan imaan kororsi.

Beesha Caalamka ayaa sheegtay in doorashadda soo aadan ay muhiim tahay in ay noqoto mid ku dhacda qaab nabad ah oo aamin ah.

Guddiga doorashooyinka ayay u balanqaadeen in ay kala shaqeyn doonan sidii uu u fulin lahaa waajibaadka ayna siinayaa taageero.

Ugu dambeyntii, baarlamaanka federaalka ah ayay ku booriyeen in uu meelmariyo sharciga doorashooyinka dhamaadka sanadkan 2019-ka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this