Deeq A. Posted December 19, 2019 Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Guddiga mamaul u dhisidda Galmudug ee ay dhistay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saaray jadwalka cusub ee dhismaha iyo doorashada maamulka, kadib markii uu fashilmay jadwalkii hore. Guddiga ayaa 19-ka ilaa 23-ka December u gooyey xaqiijinta odayaahsa dhaqanka iyo xalinta khilaafyada, ayada oo xidlhibaanada lasoo xulayo inta u dhaxeysa 24-ka ilaa 30-ka December. Guddiga ayaa sheegay in guddoonka golaha wakiilada Galmudug la dooranayo 4-ta bisha Janaayo ee 2020, ayada oo doorashada madaxweynaha cusubna ay dhaceyso 9-ka bisha Janaayo. Jadwalka cusub ayaa yimid kadib markii dhowaan ay dowladda Soomaaliya iyo ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca (ASWJ) heshiis ka gaareen khilaafkii u dhaxeeyey ee ku salaysnaa dhismaha dowladda cusub ee maamulka Galmudug. Labada dhinac ayaa ku heshiiyey in Ahlu-Sunna la siiyo 20 ka mid ah 89-ka xildhibaan ee Golaha Wakiilada lasoo dhisayo ee Galmudug. Heshiiska ayaa macnihiisu waxa uu yahay in Ahlu-Sunna ay soo xuli doonto 20 xildhibaan, halka 69-ka kale ay soo xuli doonaan odayaasha qabaa’ilka. Heshiiskan ayaa saamaxay in ugu dambeyn la dhiso dowladda cusub ee maamulka Galmudug oo muddo u cakirneyd khaliifka labada dhinac. Hoos ka aqriso warqadda jawadlka cusub Share this post Link to post Share on other sites