Sign in to follow this  
Deeq A.

Kaba-ku-Tukade oo odayaal ka tirsan Abgaal u furay seminar uu sheegay in ‘loogu saxayo’ Towxiidka

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa gobolka Shabeellaha Dhexe ku qabatay seminar diini ah oo la siinayey odayaasha beesha Cabdulle Galmaax oo ka mid ah beelaha Abgaal.

Seminar-kan ayaa waxaa bixinayey Sheekh Yuusuf Ciise Kaba-ku-Tukade oo ah ninka Al-Shabaab ugu magacaabay guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe, islamarkaana kasoo jeeda beesha Abgaal.

Cod ay baahiyeen warbaahinta Al-Shabaab oo uu ka hadlayey Yuusuf Kaba-ku-Tukade ayuu ku booriyey odayaasha beesha in loo baahan yahay “Inay iska saxaan kalmadda towxiidka”, sida uu hadalka u dhigay.

Tababarkan ayaa socday muddo 10 maalmood ah, sida uu sheegay Yuusuf Kaba Ku-Tukade oo ka hadlay xiritaankiisa.

“Calanka Shabaab waxaa ku qoran towxiidka, halka kan Soomaaliya ay ku qoran tahay xiddigta shanta Soomaaliyeed. Calanka Shabaab wuxuu ka dhaxeyaa Islaamka oo dhan, kana Soomaaliyana shanta Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Yuusuf Kaba-ku-Tukade.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhowaanahan aad ugu xoogeysaneysay gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ciidamada dowladda ay kasoo saareen deegaano badan oo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose.

Odayaasha, shacabka iyo siyaasiyiinta gobolka ayaa marar badan dowladda ka codsaday inay howl-galka ay ka waddo Shabeellaha Hoose kusoo baahiso gobolka Shabeellaha Dhexe, hase yeeshee dowladda waa iska dhego-tirtay.

Siyaasiyiinta beesha qaarkood ayaa taas ku macneeyey dagaal siyaasadeed iyo in madaxweyne Farmaajo uu dagaalka uu kula jiro Shariif iyo Xasan Sheekh uu ku daray shacbka, maadaama labadii madaxweyne ay kasoo jeedaan beesha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this