Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS oo soo dhaweysay talaabadda hay’adda IMF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa soo dhaweeyay talaabada ay qaadey hay’adda lacagta aduunka ee IMF.

Guddiga sarre ee IMF ayaa meelmariyey qorshe taageeraya in Soomaaliya deyn laga cafiyo kadib ogolaanshiyo ka timaada wadamada xubinta ka ah.

Bayle oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in bisha labaad ee sanadka dambe 2020-ka dalka laga dhaafi doono deymaha lagu leeyahay.

Sidda laga soo xigtay hay’adda IMF iyo Bangiga Aduunka, deynta lagu leeyahay Soomaaliya ayaa waxay gaareysaa aduun lacageed dhan 5-bilyan oo Doollar-ka Mareykanka ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this