Sign in to follow this  
Deeq A.

Madasha Xisbiyada oo sheegtay in uu buray Heshiis ay kula jireen madaxweyne Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Hoggaanka Madasha la baxday Xisbiyada Qaran ee ka dhisan magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in uu bur-buray heshiiskii ay kula jireen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, mar dambena aysan wada-hadallo kale la geli doonin madaxweynaha.

Heshiiskaasi ayaa la sheegay, in ay dhinacyadu  gaareen 20-kii November kadib kulan Villa Somalia ku dhex-maray madaxweyne Farmaajo iyo labadii madaxweyne ee hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh oo ka wakil ahaa Madasha.

Qoraal kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran, oo ku taariikheysan 18-ka December, ayaa ku eedeeyey madaxweynaha in uusan daacad ka ahayn wada-hadallada, uuna heshiiskii hore jebiyey”

Waxyaabaha ay Madashu ku eedeysay madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah in uu sii wado inuu shacabka u diido xuquuqdooda aas-aasiga ah ee hadalka iyo dhaq-dhaqaaqa.

Qoraalka ayaa sidoo kale madaxweynaha ku eedeeyey In uu sii wado u adeegsiga hay’adaha amniga federaalka raadinta hadafyo siyaasadeed oo hooseeya.

Madasha Xisbiyada Qaran waxay sidoo kale madaxweyne Farmajao ku eedeeysay, inuu rabshado iyo xasillooni darro aan loo baahneyn ka wada maamul goboleedyada dalka, isaga oo maal-gelinaya kacdoono ka dhan ah dowlado la doortay, sida hadalka loo dhigay.

Arrimaha doorashooyinka, ayey Madashu sheegtay, “in madaxweynaha uu weli sii wado taageerista qorshihiisa doorashooyinka 2020/21 ee ka baxsan dastuurka”. Madashu ma aysan faah-faahin waxa uu yahay qorshahaas.

Dhammaan qodobadaas ayay Madashu sheegtay inay jebinayaan heshiisyadii horey loo gaaray, ayna muujinayaan in madaxweynaha uusan daacad ka ahayn inuu xal la gaaro dhinacyada saameynta ku leh siyaasadda dalka.

Madasha ayaa ugu dambeyn shuruud ka dhigtay, in si wada-hadallada dib loogu furo ay doonayaan in madaxweynaha dhankiisa ka shaaciyo qodobada heshiiskii hore, islamarkaana uu fuliyo.

Halkaan ka akhriso qoraalka Madasha

1-21.jpg?w=1000&ssl=1 2-17.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madasha Xisbiyada oo sheegtay in uu buray Heshiis ay kula jireen madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this