Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ku shaacisay in mar kale la saxiixay Mashruuca dhismaha wadada Garoowe iyo Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Puntland ayaa shaacisay in todobaadkan mar kale la saxiixay Maashruuca dhismaha wadada Garoowe_Gaalkacyo oo dib loo soo celiyay, kadib markii uu fashilmay sannadkii 2018.

Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac (Dabaraani), oo ka warbixinayay Shirkii Golaha wasiirada Puntland ee maanta, ayaa sheegay in todobaadkan mar kale la saxiixay Mashruucaasi horay u fashilmay.

Qoraal 5-September 2018 ka soo baxay safaaradda Jarmalka ee magaalada Nairobi, ayaa lagu sheegay  in la joojiyay Mashruuca, kadib markii uu musuqmaasuq hareeyay, balse 7-dii April ee sannadkan 2019, ayaa mar kale dowladda Jarmalku xaqiijisay, in ay dib u soo celinayso Mashruucaasi.

Mashruuca dhismaha wadada Garoowe_Gaalkacyo, waxaa la daah-furay 11-Maarso 2015, waxaana xilligaasi la shaaciyay in ay ku baxayso lacag dhan $21 malyan oo Dollar taasi $18 malyan oo kamid ah ay bixinayso Midowga yurub halka $3 malyan ee kalena ay bixinayso dowladda Jarmalka.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo ay weheliyeen safiiradii Midowga yurub iyo Jarmalka xilligaasi u qaabilsanaa Soomaaliya Michele Cervone d’urso iyo Andreas Pesxhke ayaa maalintaasi daah-furay Mashruuca

Jarmalka waxaa fulinta Mashruuca dhismaha Wadada Garoowe_Gaalkacyo u qaabilsan hay’adda Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee GIZ, taasi oo mashaariic kalena ka fulisay degaannada Puntland.

Hoos ka daawo muuqaalka oo dhan

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Puntland oo ku shaacisay in mar kale la saxiixay Mashruuca dhismaha wadada Garoowe iyo Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this