Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi Oo La Kulmay Wafti Ka Socda Beesha Caalamka Iyo Qodobada Ay Ka Wada-hadleen

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda beesha caalamka oo uu hoggaaminayo safiirka midowga yurub Amb. Nicolas Belanga Martinez.

81038391_2583939948386509_60841876815232

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay arrimo dhawra oo ay ka mid yihiin qabsoomidda doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka, xallinta khilaafka guddida doorashooyinka qaranka iyo taageerada ay beesha caalamku ka geysato horumarka arrimaha bulshada, doorashooyinka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa qoondada dhaqaale ee ay ku taageeraan dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu danbayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu u sheegay weftiga inay xukuumadda ka go’an tahay qabsoomidda doorashooyinku marka ay axsaabta qaranku isla meel dhigaan suurta-galnimada doorashooyinka farsamo ahaan iyo sharci ahaan, sidoo kale madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in gogoshii uu u fidiyey labada xisbi mucaarid ay halkeedii taallo.

Madaxweynaha waxa kulankaa ku wehelinaayey, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) shir-guddoonka guurtida iyo wakiillada iyo ku xigeenadooda, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax, Ahmedyaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Siciid Jaamac Cali, wasiirka horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, Md. Liibaan Yuusuf Cismaan, la-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha Dr. Cismaan Sheekh Ahmed, la taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Doorashooyinka Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse),

Dhinaca weftiga safiirka midawga yurub, Amb Nicolas Berlanga Martinez, waxa ku wehelinayey Safiirka Talyaaniga Amb. Alberto Vecchi, Safiirka Jarmalka Amb. Annett Guenther iyo masuuliyiin ka socday Netherlands, Finland, Poland, Austria, Denmark, UK, UNSOM iyo IGAD, Halkan hoose ka DAAWO

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this